Muwaadin Somali oo ku eedeysan inuu dilay nin South Africaan ah oo la xiray

Guddi Heer Wasiir oo ay Dowladda Koonfurta Afrika u xil-saartay baaritaanka falalkii Isir-nacaybka ee dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ka dhacay dalkaasi ayaa soo saaray Warbixin la xiriirta falalka dilalka ee dhacay Gobalka KuwaZulu Nataal iyo qeybo ka mid ah Degmadda Guteng.

Guddigaasi oo uu hoggaminayey Wasiirka Madaxtooyadda ee dalkaasi, Jeff Radebe, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Saraakiil Bolis iyo Gnaacsato.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shaqaaqadaasi lagu dilay Afar Shisheeye ah oo u kala dhashay dalalka Ethiopia, Zimbabwe iyo Bangaladesh, iyadoo saddex qof oo u dhalatay South Afrika.

Dhinaca kale, Warbixinta Guddiga Heerka Wasiir waxay sheegeen in la soo xiray Muwaadin Somali ah oo lagu eedeynayo inuu toogasho ku dilay wiil South Afrikaan oo la oran jirey South African citizens Thabo Owen Mzobe, Ayanda Dlamini, kaasi oo doonayey inuu boob u geysto goobta Ganacsiag ee Ninka Soomaaliga oo aan magaciisa la shaacinin.

Boliska dalkaasi waxay kaloo qabteen 165 Qaxooti Afrikaan oo aan sharci haysanin iyo 265 kalena oo lagu qabtay muddadii ay socdeen Falalkii Isir-nacaybka ee lagu boobay goobaha ganacsiga ee dadka Afrikaanka ku leeyihiin Gobalka KuwaZulu Natala iyo magaalladda Durbin.

Sidoo kale, 1,997 qof oo u kala dhashay dalalka Tanzania, Zimbabwe, Malawi iyo Mosambique ayaa dib loogu celiyey dalalkooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor