Muwaadin Somali oo isagoo raashinka suxurta iibsanayo uu Hoobiye kula habsaday dalka Yemen

Hoobiyayaal ay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta xalay ku garaaceen magaalladda Cadan ee Koonfurta dalka Yemen, waxaana la sheegay inay geeriyoodeen 18 qof oo uu ka mid ahaa nin Soomaali ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Nin Soomaali ah uu Hoobiyuhu ku habsaday, xilli uu raashinka suxuurta ka iibsanayey Dukaan ku yaalla Cadan.

Ninkaasi oo da’da 30-aadka ku jira ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Caatif Al-somali.

ugu yaraan 30-qof ayaa ku dhaawacantay duqeyntaasi ka dhacay magaalladda Cadan oo ay ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo qof.

Dhinaca kale, Saraakiishaa Dagaalamayaasha Xuutiyiinta wax hadal ah kama soo saaarin khasaaraha ay Hoobiyayaasha u geysteen dadka rayidka ee ku nool magaalladda dekedda leh ee Cadan ee Koonfurta Yemen.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor