Muwaadin Somali oo burburiyey qalabkii Xarun Caafimaad oo ku taalla Malta.

Boliska dalka Malta ayaa xiray Nin Somali oo 21-jir, kaasi oo la dhaawacay, xilli uu burbur u geystay Rug Caafimaad oo lagu magacaabo “The Floriana health centre”.

Wargeyska The Malta Independent oo aan warkan ka soo xiganay ayaa qoray in Ninka Soomaaliga uu xalay abaarihii 7:20 daqiiqo geystay weerarkaasi, isagoo waxyeello gaariiyey Kombiyuutaro iyo qeybo ka mid ah Qeybta Soo-dhaweynta ee Xaruntaasi.

Waxa kaloo la sheegay in mid ka mid ah Ilaaladda Xarunta uu ku dhaawacmay faliirka Muraayadaha Daaqadaha uu ninka Soomaaliga burburiyey.

Wargeyska waxa kale oo uu qoray inay Boliska qabteen Ninka Soomaaliga isagoo dhaawacan, waxayna u gudbiyeen Isbitaalka Mater Dei Hospital si loogu soo daaweeyo.

Lama garanayo sababaha ku kalliftay inuu burburiyo Hantida Xarunta Caafimaadka ee “The Floriana health centre”.

Koox baarayaal ayaa loo xil-saaray Kiiskaasi, waxaana Kooxdaasi horkacayo Garsoore Marsanne Farrugia.

Xigasho: The Malta Independent

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor