Muwaadin Somali-Maraykan oo lagu helay inuu toogasho ku dhaawacay dhowr qof

Garsoore ka tirsan Maxkamadda magaalladda Saint Croix ayaa shalay ku soo oogay Muwaadin Somali Maraykan lagu magacaabo Ahmed Hersi inuu sannadkii hore  lix qof ku dhaawacay magaalladda Hudson.

Dacwadaasi ooay qaadayeen 12 Garosore oo ay afar haween ahaayeen ayaa ku soo oogay eedeysanaaha 13 dacwo oo heerka koowaad ah.

Eedeysanaha oo 27 jir ayaa lagu soo oogay inuu bishii Janaayo 10-dii ee sannadkii hore rasaas ku furay dad hor taagnaa Dukaan lagu iibiyo Qamriga.

Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Degmadda Saint Croix, Michael Nieskes ayaa sheegay inuu Eedeysanaha u toogtay dadkaasi sidii xayawaan duur-joog ah.

Eedeysane Ahmed Hersi oo ku sugnaa Maxkamadda ayaa sheegay inuusan isagu toogashadaasi geysanin, balse  lagu qaldayo qofkii runta u ah Dembiilaha.

Dhinaca kale, Dacwad-oogayaasha waxay Maxkmadda hor keen nin kale oo isagana lagu eedeynayey falkaasi, kaasi oo lagu magacaabo Guuleed Abdi.

Ninkaasi oo deggan magaalladda Minneapolis ayaa sheegay inuu Eedeysanahaasi rasaas ku furay gaari kale, markii ay dadkaasi murmeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor