Somali-Maraykan lala xiriirinayo Kooxda Daacish oo mar kale la maxkamadaynayo.

Abdirizak Mohamed Warsame oo 20-jir ah ayaa la sheegay in maalinta Khamiista ee soo socoto la hor keeni doono Maxkamadda Federalka ee Gobalka Minnesota, si uu u qirto Dembiga lagu soo oogay.

Eedeysanahaasi waxaa sannadkii hore lagu soo oogay inuu Madax u ahaa Koox Dhallinyarro Somali-Maraykan doonaysay inay qalab u gudbiyaan Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan gudaha dalka Syria.

Garyaqaanka Eedeysanahaasi oo lagu magacabo Robert Sicoli ayaa xaqiijiyey inay qorsheynayaan inay Dowladda la galaanWada-xaajood  Dembi-qirasho ah, si  Eedeysanaha looga qafiifiyo xukunka uu muteysan lahaa.

Abdirizak Mohamed Warsame waxaa bishii December ee sannadkii hore lagu soo oogay inuu taageero u fidiyey Kooxda Daacish ee ku sugan dalalka Syria iyo Iraq, waana Eedeysanihii 10-aad ee Soomaalida Maraykanka ee lagu soo oogo Fal-dembiyeedkaasi oo kale.

Eedeysanaha oo sannadkii 2014-kii ka mid ahaa  Shaqaalaha Xamaaliga ee ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha ee Saint Paul International Airport oo ku yaalla magaalladda Minneapolis ayaa u sheegay Nin War-qaade (Informant) u ah FBI-da inuu samayn karo Gantaal Guri-ku-samayska (Homemade Rockets) oo awoodi kara in lagu soo rido Diyaarad.

Dukumenti ay Boliska FBI horey u soo saareen ayey ku sheegeen inuu Abdirizak Mohamed Warsame u ahaa Hoggaamiye ama Amiir Koox Somali-Maraykan oo doonaysay inay bishii April ee sannadkii 2014-kii ka dhoofaan Maraykanka, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.

Waxaa kaloo lagu eedeeyey inuu Dhallinyarrada kale ku dhiirigeliyey inay u safraan dalka Syria, isagoo la xiriiriyey Daacish.

Eedeysanayaasha kale ee ay isku Dembiga yihiin Abdirizak Mohamed Warsame ayaa lagu kala magacaabaa Hamsa Ahmed, Adnan Farah, Mohamed Farah, Abdirahman Da’ud iyo Guled Omar, kaasi oo la qorsheynayo in bisha May 9-da la soo gole joojiyo Maxkamadda, si loogu qaado Dacwadahooda.

Dhinaca kale, Labo Eedeysane oo lagu kala magacaabo Zakariya Abdirahman iyo Hanad Musse waxay horey u qirteen bishii September ee sannadkii hore inay qalab ku taageereen Kooxda Daacish.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor