Muwaadin Somali Maraykan lagu dilay dalka Maraykanka

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen Muwaadin Somali Maraykan la oran jirey Shucayb Abuukar, xilli ay isaga iyo xaaskiisa iyo ciyaalkiisa ka soo cunteeyeen Baar lagu magacaabo Northwest Side Restaurant oo ku yaalla magaalladda Columbus ee Gobalka  Ohio.

Marxuumka oo 40-jir ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo, wuxuuna ku geeriyodoay  Isbitaalka Ohio Health Riverside Methodist Hospital.

Nin ku hubeysan qori ayaana dilay Marxuumka oo ay xilligaasi la socdeen xaaskiisa iyo 6 carruur oo ay dhaleen.

Saddex Alifle Christ Holzhauser oo ka tirsan Boliska, ayaa sheegay  inuu Marxuumka degaanaa magaalladdaColumbus ee Gobalka Ohio, sida ay muujiyeen Waraaqaha Aqoonsiga iyo kuwa Codeynta ee laga helay Jeebkiisa.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Boliska in  Gcaan-ku-dhiiglaha uu ku baxsaday gaari yar oo noociisu ahaa Toyoto Corolla ama Ford Taurus.

Waxay kaloo sheegeen inuu Gacan-ku-dhiigluhu ahaa Nin madow oo dhererkiisa lagu qiyaasay ilaa 6 fiit.

Allaha U Naxariisto, Marxum Shucayb Abuukar, waxa uu ifka kaga tegay 6 carruur oo midka ugu weyn uu 10-jir yahay.

SHUCEYB ABUUKAR Shueyb Abukar

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor