Muwaadin Somali-Maraykan far ka jaray Nin u dhashay Koonfurta Sudan oo muteysan kara Xabsi iyo masaafurin.

Maxkamadda Sare ee Gobalka Alaska ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay inay muddo hal isbuuc ah dhegeyteen Dacwad ka dhan ah Nin Somali-Maraykan lagu magacaabo Deeq Maxamed Ciise oo ku eedeysan inuu handaday, isla markaana uu far ka jaray Nin u dhashay dalka Koonfurta Sudan oo lagu magacaabo  Pyot Nyok.

Labadaa nin ayaa la sheegay iyagoo sarqaansan inay dagaalameen bishii  June 28-dii ee sannadkan, waxaana la sheegay inuu Ninka Soomaaliga soo qaatay Mindi kana jaray farta ninka u dhashay Koonfurta Sudan, wuxuuna ugu hanjabay inuu dili doono.

Deeq Maxamed Isaaq oo 34 jir oo deggan Degmadda Seward ayaa waxay Maxkamadda ku soo oogtay Dembi Heerka Koowaad ah, sida ay sheegtay Garsoore Anna Moran oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Gobalka Alaska.

Warar ku dhow Maxkamadda ayaa sheegayo inuu Deeq Maxamed Isaaq muteysan karo Xabsi 10-sanno oo ay wehliso in loo soo masaafurin doono Somalia marka uu dhamaysto Xukunkaas.

©Radio Dalsan