Muwaadin Somali-Maraykan horey ugu hanjabay inuu dilayo Saraakiil ka tirsan FBI-da oo la sii daayey

Mohamed Ali Omar oo horey loogu soo oogay inuu ku hanjabay inuu dili doono labo ka tirsan Hay’adda Dembi-baarista Federalka Maraykanka (FBI) ayaa laga sii daayey Xabsiga.

Eedeysanaha oo deggan magaalladda Minneapolis ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda Federalka, isagoo lagu soo oogay inuu u hanjabay FBI-da iyo inuu xiriir la leeyahay Kooxda Daacish.

Garsoore Michael Davis ayaa ka laabtay go’aankiisii hore, isagoo amray in la sii daayo Eedeysanaha, WUXUUNA HAKIYEY DACWADDA ILAA BISHA September ee soo socota.

Ma cadda inuu go’aanka Garsooraha ka hor imaanayo go’aan kale oo ay Maxkamadda Sare dhawaan gaartay.

Mohamed Ali Omar ayaa la xiray bishii March ee sannadkan, kadib, markii uu u hnajabay labo ka tirsan Hay’adda FBI-da iyo Turjumaan la socday, kuwaasi oo tegay guriga qoyskiisa oo ku yaalla Koonfurta magaalladda Minneapolis, iyagoo raadinayey walaalkiisa Guuleed Ali Omar oo lala xiriirinayo Daacish.

Turjumaanka ayaa la sheegay inuu  aflagaadeeyey gabar la dhalatay Eedeysanaha oo uu ku tilmaamay qashin, taasi oo keentay inuu Eedeysanuh ka fal-celiyey

Dhinaca kale, Guuleed Ali Omar waxa uu ka mid ahaa lix dhallinyarro Somali Maraykan deggan Gobalka Minnesta oo lagu tuhumayo inay doonayeen inay u safraan dalka Syria si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.

Walaalkooda kale, Ahmed Ali Omar  waxa uu sannadkii 2007-dii ka soo tegay Minnesota, isagoo ku biiray Dagaalamayaasha Alshabaab Somalia.

Xigasho: Fox9.com

 © Warqabadka Dalsan RadioM.A.OMAR MINESOTTA MAXKAMAD USA 222

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor