Muwaadin Somali Maraykan horey u dilay Nin kale oo Somali ah oo la soo maxkamadeeyey

Ninkaasi oo lagu magacaabo Mohamed Omar ayaa lagu soo oogay Darajadda Koowaad ee Fal-dembiyeedka Dil uu u geystay nin ay saaxiibo ahaayeen oo la oran jirey Zakariya Issa.

Dacwad-oogayaasha Maxkamadda Seattle.ayaa ku soo oogay Eedeysanaha inuu bishan August 2-dii dilay Marxuumkaasi oo xilligaasi ka soo laabtay aaska nin ay saaxiibo ahaayeen oo la toogtay.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu u baxsaday magaalladda Minneapolis, kadib, markii uu dilkaasi geystay.

Baarayaasha waxay ka sheegeen Kulaankii Maxkmaadda inuu Eedeysanaha isbuucii hore ku soo laabtay magaalladda Siyaatal, isla markaana ay Boliska qabteen, xilli ay su’aallo weydiinayeen hooyadiisa.

Eedeysanaha ayaa loo gudbiyey Xabsiga King County ee magaalladda Seattle.

Dhinaca kale, Maxkamadda Seattle.l ayaa la sheegay inay Eedeysanaha ka dalbatay inuu bixiyo damiin lacageed, si loo sii daayo inta ay Maxkamadda mar kale u dhegeysan doonto dacwadiisa.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inuu Eedeysanaha yahay nin khatar ku ah Bulshadda, lagana cabsi qabo inuu duullimaad u raaco Minnesotta, Michigan iyo Somalia oo uu ku leeyahay xiriiro.

© Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor