Muwaadin Somali lagu soo oogay inuu u soo dhawaaday Hoyga Madaxweynaha Kenya

Maxkamadda magaalladda Nairobi waxaa maanta la soo taagay Muwaadin Somali, kaasi oo ay Ciiddanka shalay ka soo qabteen meel ku dhow Hoyga Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo kuyaalla Xaafadda Gatundu ee magaalladda Nairobi.

Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Saciid Mire Siyaad ayaa lagu soo oogay inuu si sirdoon ah u tegay Dhismaha Hoyga Uhuru Kenyatta iyo inuu diyaarinayey Weerar Argagixiso, waa sida hadalka loo dhigay.

Dacwad-oogaha Boliska, Danel Karuri ayaa u sheegay Maxkamadda inuusan Eedeysanaha wax faahfaahin ah ka bixinin waxa uu ka sameynayey Hoyga Madaxweyne Uhuru.

Dacwad-oogaha waxa uu sheegay  inay boliska u baahan yihiin inay Eedeysanaha sii hayaan, si ay baaritaano dheeraad ah ugu sameeyaan shaqsiyadiisa iyo xogaha ku kaydsan Mobaylkiisa.

Eedeysane Saciid Mire Siyaad waxa uu ka mid ahaa 8 Eedeysane oo maanta ka soo hor-muuqday Maxkamadda Nairobi, o oay ku jireen 3 qof oo ay dadweynaha ka soo qabteen  Suuqa Gikomba ee magaalladda Nairobi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor