Muwaadin Somali Kanadiyaan ku xiran dalka Ethiopia oo lagu baaqay in la sii daayo

Bashiir Makhtal oo ah Muwaadin  Somali ka soo jeeda Kilinka Shanaad ee Ethiopia ayaa waxa uu Xabsi Daa’in ugu jiraa xabsi ku yaalla dalka Ethiopia.

Saciid Makhtal oo ay ilmo adeer yihiin Maxbuuska xiran ayaa ku cambaareeyey Dowladda Kanada inaysan wax badan kaa qabanin dadaalka loogu jiray sidii Maxbuuska loogu soo wareejin lahaa Kanada.

Waxa uu ku eedeeyey Wasiika Arrimaha Dibedda ee Kanada, Roob Nikolson iyo Wasiirka Amniga Dadweynaha ee dalkaasi, Steven Balaney aysan wax badan ka qabanin sidii Bashiir Makhtal loogu ssoo celin lahaa Kanada.

Heshiis Dowladaha Kanada iyo Ethiopia dhex maray bishii Maarso ee la soo dhaafay ayaa waxay labada waddan isku waafaqeen in Maxbuuska loo soo wareejiyo Kanada, inkastoo aan heshiiskaasi la dhaqan gelinin.

Maxbuuska ayaa waaxaa suurtogal ah in Dowladda Kanada loo soo gacan-geliyo ka horbisha October 19-da oo ay Doorasho ka dhaci doonto dalkaasi.

Bashiir Makhtal Daahir oo 46 jir ayaa waxa uu ku noolaan jirey, kana shaqeysan jirey maagaalladda Toronto ee dalka Kanada.

Waxaa sannadkii 2006-dii lagu qabtay xuduudka Kenya la wadaagto Somalia, waxayna u gacan-geliyeen Dowladda Ethiopia.

Tan iyo sannadkii 2009-kii waxa uu ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee magaalladda Addis Abeba, isagoo lagu soo eedeeyey Argagixisinimo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor