Muwaadin Somali haystay Labo Baasaboor oo lagu xukumay dalka Zambia

Maxkamadda magaalladda Nadola ee dalka Zambia ayaa xukun ku riday Nin asalkiisu Somali yahay, oo lagu magacaabo Saleebaan Omar, kaasi oo lagu qabtay labo Baasaboor, mid yahan kan Soomaaliga iyo  Tanzanian Passaport.

Ninkaasi oo Dareewal ah ayaa waxaa bishan April 8-dii  lagu qabtay Kontoroolka DeegaankaNakonde oo u dhexeeya dalalka Zambia iyo Tanzania.

Haweneyda Garsooraha ka ah Maxkamadda Nadola, oo lagu magacaabo Bubala Sikalunda ayaa ku riday Eedeysanahaasi inuu bixiyo ganaax dhan 1,000 Lacagta Kawaajaha ee laga isticmaalo dalka Zambia ama loogu bedelayo xabsi shan bilood ah.

Eedeysanaha oo 33-jir ah ayaa qirtay dembiga lagu soo oogay, wuxuuna codsaday in laga qafiifiyo xukunka, isagoo sheegay inuu yahay qof sabool ah oo aan bixin karin Ganaaxa Lacageed ee lagu xukumay.

Dhinaca kale, Maxkamadda, waxay markii dambe ku xukuntay Xabsi muddo shan bilood ah, waxanaa loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee dalkaasi.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor