Muwaadin Somali haysta dhalashadda Holland oo ugu baaqay Alshabaab inay ku soo biiraan Dagaalamayaasha Daacish

Wargeyska Telegraaf ee ka soo baxa dalka Holland  ayaa qoray in Jihadiste haysta dhalashadda dalkaasi uu ku biiray Daacish, isla markaana ka soo muuqday Video ay dhawaan Kooxda Daacish baahiyeen.

Ninkaasi oo asalkiisu yahay Somali, kuna sugan gudaha dalka Syria ayaa la sheegay in lagu magacaabo Abu Bashiir Muraadh, inkastoo uu magaciisa beddelay markii uu ku biiray Kooxda Daacish, lana baxay Taymullaah Alsomali.

Wargeyska Telegraaf waxa uu qoray inuu Taymullaahi Al-somali dhawaan laga arkay Muuqaal Video oo ay Kooxda Daacish soo bandhigtay, wuxuuna ugu baaqay Dagaalamayaasha Alshabaab inay ku soo biiraan Dowladda Islaamka ee Daacish.

Wargeyska kale NRC ayaa qoray in Ninkaasi oo aan wax fiican arki karin asal ahaan ka yimid Somalia, balse uu mar ku noolaa magaalladda Groningen ee dalka Holland.

Wargeyska waxa kaloo uu qoray inaan weli la xaqiijinin caddayntiisa Holland.

Toddobaadkii hore ayey ahayd, markii ay Dagaalamayaasha Daacish soo bandhigeen Muuqaal Video ah oo ay ku casuumeen Xarakadda Alshabaab inay ku soo biiraan Daacish.

Dhinaca kale,  Hoggaanka Sare ee Alshabaab ayaa la hadal-hayaa inay ku kala qeybsan yihiin in ay ku biiraan Daacish.

Alshabaab waxay horey u sheegeen inay ku biireen Ururka Alqaacida.

Xigasho: Telegraaf

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor