Muwaadin Somali-Dutch oo xabsi ku muteystay inuu dhac hubeysan ku maalgeliyo Kooxda Daacish

Maxkamadda magaalladda Rotterdam ee dalka Netherlands waxaa la soo taagay Muwaadin Somali-Dutch 22-jir ah, kaasi oo lagu helay inuu qorsheynayey inuu dhac hubeysan ka geysto magaalladda The Hague, si uu Kharajka uu ka helo u diro Dagaalamayaasha Daacish ee ka dagaalanta gudaha dalka Syria.

Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in Eedeysanaha oo magaciisa lagu soo koobay Mohamed A.

inuu yahay Dembiile u diyaar garoobay fal Argagixiso, inuu ka soo dagaalamay dalka Syria, isla markaana uu ogaa in Lacago la xawilo ay kordhinayso dadka ku geeriyoonaya dagaalka sokeeye ee dalka Syria ee uu dhiiga badan ku daatay.

Eedeysanaha waxaa lagu xukumay xansi afar sanno ah, inkastoo uu beeniyey inuu ka soo dagaalamay dalka Syria.

Dhinaca kale, Boliska dalka Netherlands waxay sheegeen inay fashiliyeen dhaca hubeysan ee Edeysanaha, kadib, markii la duubay wada-sheekeysiga Eedeysanaha iyo iyadoo ay dadka wararka u geeya Boliska u soo sheegeen qorshaha uu Eedeysanahu damacsanaa.

http://www.greenfieldreporter.com/

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor