Muwaadin Somali deggan Sweden oo xukun ku muteystay gabar yar uu kufsaday

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Guuleed Maxamuud ayaa la sheegay in lagu xukumay 180 saacadood oo shaqadda dadweynaha, kadib, markii lagu helay inuu fara xumeeyey gabar Soomaali oo 12-jir ahayd.

Hadal ka soo baxay Maxkamadda Degmadda Sundsvall ayaa lagu sheegay inuu Eedeysanaha falkaasi geystay bishii November 10-dii ee sannadkii hore, kuna sharaf-tiray gabadha uu fara-xumeeyey.

Eedeysanaha waxa uu ku dooday inay gabadha saaxiibo ahaayeen, isla markaana ay u sheegtay inay 16 jir tahay, balse caddaymo waa loo waayey sheegashadiisa.

Xeer-beegtida Maxkamadda ayaa sheegay inkastoo falka kufsiga xukunkiisa yahay 6 sanno ilaa toban sanno, haddana  waxay Maxkamadda ku xukuntay 180 saacadood iyo 22 maalmood oo shaqo lacag la’aan ah iyo inuu bixiyo Kharaj dhan 15,000 oo Dollar oo ah dhibaatadii maskaxeed iyo midda jir ahaaneed oo uu geystay gabdha uu kufsaday.

 © Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor