Muwaadin Somali Canadian ah oo lagu dilay magaalladda Ottawa

Marxuumkaasi oo la oran jirey Shariif Saciid ayaa la toogtay, waxayna dadka deegaanka sheegeen inay afar jeer maqleen dhawaaqa rasaasta lala beegsaday Marxuumkaasi.

Baarayaasha Boliska ee caasimadda dalka Kanada ee Ottawa ayaa sheegay in baarayaan Nin Somali Canadian ah oo maydkiisa laga helay meel ku dhow Baar lagu magacaabo Faraska Cad oo ku yaalla bartamaha magaalladda Ottawa.

Boliska waxay sawirro ka qaadeen maydka marxuumka, dhiigiisa iyo gaari la sheegay inuu lahaa mid ka mid ah Kooxaha Gangestaradda.

Qoyska Marxuumkaasi wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan dilkiisa.

Dhinaca kale, Ilo-wareedyo ayaa u shegeay Wargeyska the Sun inuu dilkaasi u muuqdo mid xiriir lala leh Kooxaha ka ganacsada Daroogadda ee ku nool magaalladda Ottawa.

Si kastaba ha ahaatee, dilka Marxuumkaasi ayaa noqonaya Muwaadinkii saddexaad ee Somali-Canadian ah oo sannadkan lagu dilo dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor