Muwaadin Somali burburiyey Xarun Caafimaad oo ku taalla Malta oo la amray in lagu sii hayo Xabsiga.

Nin Somali oo aan Hoy lahayn ayaa la amray in lagu sii hayo Xabsiga ilaa mar kale laga soo taagayo Maxkamadda.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Abdimalik Ahmed Mohamed waxa uu bishan April 8-dii burburiyey Kombiyuutaro yiillay Xarun Caafimaad oo ku taalla Deegaanka Floriyana ee Malta.

Eedeysanaha iyo mid ka mid ah Ilaaladda Xaruntaasi ayaa ku dhaawacmay burburka Dhalooyinka ee Xaruntaasi, waxaana la tuhunsan yahay inuu Ninka Soomaaliga dhimirka ka xanuunsan yahay.

Dhinaca kale, Wargeyska Malta Today ayaa maanta qoray inay Maxkamadda amartay in Eedeysane Abdimalik Ahmed Mohamed oo 20-jir ah lagu sii hayo Xabsiga ilaa bisha soo socoto ee May 5-ta oo la soo maxkamadayn doono.

Maxkamaddu waxay diiday in damiin lagu sii daayo Eedeysanaha oo ay sheegtay inuusan lahayn Cinwaan Rasmi ama guri uu deggan yahay oo loogu soo hagaagi karo.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor