Muwaadin Somali British ka tirsanaa Kooxda Daacish oo isku qarxiyey dalka Iraq

War Saxaafadeed ay Kooxda Daacish soo saareen Bilowgii Toddobaadkan ayey ku sheegeen in Muwaadin Somal-British la oran jirey Abu Omar Al-biritaani uu qeyb ka qaatay Is-qarxintii Mataanaha ee ka dhacday  Degmadda Ramaadi ee dalka Iraq.

Wargeyska The daily Mail ee ka soo baxa dalka Britain ayaa lagu soo bandhigay Warbixinta iyo Sawirka Muwaadinkaasi oo uu wehliyey Nin u dhashay dalka Tunisia oo isaga qeyb ka ahaa Is-qarxinta ka dhacday Degmadda Ramaadi ee dalka Iraq, oo lagu dilay, laguna dhaawacay 80-qof.

Dhinaca kale, Dagaalyahan Somali oo inta badan ku noolaa dalalka Britain iyo Sweden ayaa ku tilmaamay Abu Omar Al-biritaani inuu ahaa Saaxiibkiisa ugu wanaagsan.

Abu Omar Al-biritaani  waxay Waalidkiisa ka soo kala jeedaan  Somali iyo Yemani.

Si kasta ha ahaatee, Abu Omar Al-britaani ayaa ah Muwaadinkii Labaad ee British ee ka tirsan Kooxda Daaqcish oo sannadkan isku qarxiyey dalka Iraq.

Xigasho:- Dail MailAbu Khalid al-Britani 1 Abu Khalid al-Britani 2

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor