Muwaadin Somali- Australian oo ka barbar dagaalami jirey Kooxda Daacish oo la dilay

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabi jirey Sharki Jaamac ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Dagaalamayaasha Daacish ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay gudaha dalka Syria.

Aabaha dhalay Muwaadinkaasi la dilay oo lagu magacaabo Dada Jaamac ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta dalka Australia in lagu soo wargeliyey in Wiilkiisa lagu toogtay gudaha dalka Syria.

Waxa uu Aabahaasi sheegay inay dhowr qof u xaqiijiyeen dilka wiilkiisa, kadib, markii  Farriin-qoraaleed looga soo diray  Mobaylkii uu Wiilkiisa lahaa.

Qoysaska iyo saaxiibadda Sharki Jamac waxay Online ahaan u soo dhigeen  war kooban oo  ku saabsan dilkiisa.

Dhinaca kale, Muwaadinkaas Somali-Australianka ee Sharki Jaamac oo horey u deganaan jirey magaalladda Melbourne ee dalka Australia ayaa  waxa uu xayeysiin jirey Labiska ragga, wuxuuna tan iyo bilowgii sannadkan degganaa magaalladda Faluuja ee dalka Iraq, ka hor inta uusan u sii gudbin dalka Syria.

 SHARK JAMAC (1) SHARK JAMAC SHARKI JMAA (1)SAWIRKA AUSTRALIA ISDACISH

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor