Muwaadin Somaaliyeed oo laga soo musaafuriyay dalka Filibiin

Shabakadda Wararka ee Manila Times ee dalka Filibiin  waxay maanta daabacday in dalkaasi laga soo masaafuriyey Muwaadin Somali oo lagu magacaabo C/najax Maxamuud Aadan, kaasi oo dhawaan lagu qabtay Baasaboor Swedish oo uusan lahayn.

Manila Times waxay kaloo qortay in Ninkaasi oo 23-jir la qabtay, xilli uu Transit ku ahaa Garoonka Caalamiga ee Manila, isla markaana uu raaci lahaa Diyaarad ku sii jeeday magaalladda London,.

C/najax Maxamuud Aadan ayaa la sheegay inuu bishii hore ee November 26-da tegay dalka Filibiin, isagoo isticmaalayey Baasaboor Somali, wuxuuna maalintii 2-aad isku dayey inuu Baasaboor kale oo Swdish ah ku sii dhoofo.

Xog-kaydiyaha Kombiyuutarada ee Shirkadda Diyaaradaha Filibiin (Philippine Airlines)ayaa laga ogaaday inuu C/najax Maxamuud Aadan horey uu Diyaaradaasi Baasaboor Soomaali ah uga soo raacay magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Shabakadda Wararka Manila waxay qortay in Ninka Soomaaliga dib loogu celiyey magaalladda Dubai oo uu markiisii hore ka soo dhoofay.

Xigasho: manilatimes.net

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media