Muwaadin Maraykan ka soo goostay Alshabaab, oo ka hadlay sababaha uu isku soo dhiibay.

Malik Abdisamad Jones oo 31-jir ah waxaa lagu qabtay magaalladda Baraawe, kadib, markii uu ka soo goostay Alshabaab, sida uu sheegtay.

Muwaadinkaasi Maraykanka ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay duqeyn ka dhacday Jilib, iyadoo ay far ka go’an tahay gacantiisa midig.

Malik Abdisamad Jones oo ka soo jeeda magaalladda  Baltimore ee Gobalka Maryland waxa u usheegay inuu muddo 6 maalmood soo lugeynayey si uu isugu soo dhiibo Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka.

“Muuqaal ahaan haatan OK baan ahay, balse maya Maskax ahaan” ayuu yiri Ninkaasi oo Alshabaab ku biiray sannadkii 2012-kii.

Mar wax laga weydiiyey sababaha uu isugu soo dhiibay waxa uu tilmaamay inay dhiirigelisay markii uu maqlay inay Dowladda Somalia cafis u fidisay Dagaalamayaasha Alshaab, wuxuuna rajo ka bixiyey inuu ku laaban doono Gobalka uu ka soo jeedo  Maryland ee dalka Maraykanka.

Waxa uu sheegay intii uu Alshabaab la joogay inuu guursaday labo xaas oo ay u dhaleen 3 carruur ah.

© Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor