Muwaadin Maraykan ay u dhaxdo Haweeney Kenyan oo lala xiriirinayo Argagixiso oo la qabtay.

Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya ayaa sheegay inay ninkaasi xalay ku qabteen Deegaanka Nayali oo ka tirsan magaalladda Mombasa, kadib, markii Boliska loo soo far muuqay Ninkaasi oo lagu magacaabo Richardson Roller.

Taliyaha Boliska Gobalka, Franci Wanjahi ayaa sheegay inay Saraakiisha xalay u dhaceen guriga Eedeysanaha, kana soo heleen dhowr qori, mindi iyo saddex qori nooca laga gano basbaaska.

Saraakiil la hadashay Wargeyska The Star ayaa sheegay in la baarayo Eedeysanaha haddii uu gacan-saar la leeyahay kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Eedeysanaha waxaa la filayaa in maanta la soo taago Maxkamad, wuxuuna xarigiisa ku soo beegmay dhowr maalin kadib, markii ay Boliska Mombasa albaabadda u laabeen 2 Madrasad lagu barto Diinta Islaamka oo ku taalla Degaanka Likooni ee magaalladda Mombasa.

Dugsiyadaasi ayaa la xiray, kadib, markii looga shakiyey in lagu qoro dadka doonaya inay ku biiraan Alshabaab.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor