Muuqaal “Wiilkii Soomaaliyeed Ee Imaaraadka Laga Celiyey Oo Dowladda Qadar Casuumad Ka Helay

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar ayaa soo dhowayn Balaadhan ugu Samaysay Masaajidka uu iimaamka ka yahay Sheekh C.rashiid Cali Suufi, Ismaaciil Cumar Madar oo ah Wiil Soomaaliyeed oo dhowaan Tartanka Qur’aanka uga qayb galay dalka Imaaraadka Carabta, islamarkaana la sheegay inay Saamaysay Arimaha Siyaasadeed ee ka Taagan Dalalka Khaliijka, Taasi oo sabab u Noqotay in dib loogu celiyo Soomaaliya, Wuxuuna intaasi kadib Casuumad ka helay Dawladda Qadar.

Cabdalla Maxamed Cali oo ah Macalinka Ismaaciil Madar ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay u Qaabileen.

Sheekh Cabdishiid Cali Suufi oo Madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu Ismaaciil ku Qiimeeyay Kaalmaha ugu Horeeya, Markii uu Daawaday Tartankii uu qayb galay, wuxuuna Nasiib daro ku tilmaamay in Qur’aanka alle la siyaasadeeyo, Sidoo kalana Dawladda Qadar ayuu uga mahad celiyey marti gelinta ay u samaysay Wiilka Soomaaliyeed.

“Anigu waxaan kamid ahaan Jiray Garsoorayaasha Taramada Qur’aanka, Waan dhegaysay Musaabiqadii (Tartankii ) Waxaana ku Qiyaasay inuu gelayo 1 ama 2, Laakiin waxaa meeshii soo baxay Ninkii Waa la eryay oo dalkii waaba laga saaray, Waxayna ku Qotontay Khilaafka Dhexmaray wadamada Walaalaha ah, waanu ka Xumaanay Maxaa Qur’aan soo dhexgeliyey “ Ayuu yidhi Sheekh C.rashiid Suufi.

Ugu danbayntii Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar Cali Askar ayaa sheegay inay Siwayn usoo dhowaynayaan ismaaciil iyo Macalinkiisa. “Waxaad dhex joogtaa dad Midaysan, Jaaliyad mid Qudha ah iyo Safaaradii oo isku xidhan, Alle idinkii Guul wayn ayaad gaadhi doontaa” Ayuu yidhi.

https://www.youtube.com/watch?v=q2YI8kEmvPw

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor