(MUUQAAL): Dad ku geeriyooday dab ka kacay Suuq ku yaalla Nairobi.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey inay 9 qof geeriyootay, halka In ka badan 58-qof oo ay ku jiraan Ganacsato uu dhaawacyo gubasho ah ka soo gaaray dab qabsaday Suuqa Gikombe oo ku yaalla Xaafadda Kamukunji ee magaalladda Nairobi.

Dabkaasi ayaa la sheegay inuu kacay abaarihii 2:30 daqiieo ee saqdii dhexe ee xalay, waxaana lagu guuleystay in la damiyo abaarihii 7:30 subaxnimo.

Ciiddanka Dab-damiska ee Maamulka Nairobi ayaana hardan xoog leh u galay sidii loo joojin lahaa Faafista Dabka ka kacay Suuqaasi oo geystay khasaaro hantiyeed.

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Kenya waxa ay sheegtay inuu dabku kacay abaarihii 1-dii habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay, ka hor inta uusan dabku ku faafin qeybaha kale ee Suuqaasi oo badankiisa lagu iibiyo Dharka horey loo soo isticmaalay.

Dabka waxaa kaloo la sheegay inuu ku faafay Dhismooyin la deggan yahay, waxaana la soo weriyey inuu khasaaro xooggan u geystay hantidii taallay Dhismayaashaasi.

Hay’adda Adeegga Gurmadka Kenya waxay bartooda Twitter-ka soo dhigeen in ugu yaraan 40 qof oo ku dhaawacmay dabkaasi la dhigay Isbitaalo uu ka mid yahay Isbitaalka Kenyatta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in laga yaabo inay sii korodho dadka u geeriyooda dhaawacyaddii ka soo gaaray dabka ka kacay Suuqaasi oo ay Hanti ku gubatay

Si kastaba ha ahaatee, Suuqa Gikombe oo caan ku ah in Dharka mustacmalka lagu iibiyo waxaa sannad kasta ka kaca dab tan iyo sannadkii 2015-kii.

DAAWO:

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media