Muungaab oo Maanta Xilka ku wareejinaya Gudoomiyaha Cusub

Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir ahaana Duqa Magaalada Muqdisho Generaal Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Maanta xilka ku wareejin doonna Gudoomiyaha isaga badelaya Ee Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Munaasabada Xil Wareejinta ayaa ka dhaceysa Xarunta Dowlada Hoose Ee Magaalada Muqdisho iyada oo ay ka qeybgali doonan Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Toddobaadkii Hore Maanta oo kale waxa uu xilkan ka qaaday Generaal Muungab isaga oo ku bedelay Yuusuf Xuseen Jimcaale.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor