Muslimiin Yemen u dhashay oo la soo daayay Xabsiga Guantanamo Bay ee Dalka Kuuba

Maxaabiista oo tiradoodu dhan tahay 9 qof ayaa wxaa ku jiray Dhibane cuntadda ka soomanaa tan iyo sannadkii 2007-dii.

Dowladaha Maraykanka iyo Sacuudiga ayaa ku heshiiyey in Maxaabiistaasi loo soo wareejiyo Sacuudiga, iyadoo la filayo inuu Madaxweyne Barack Obama dhawaan booqdo dalka Sacuudiga, kana qeyb galo Shir-madaxeedka Dalalka Khaliijka Carbeed ee GCC.

Maxaabiista Yemniyiinta ee laga sii daayey Xabsiga Guwatanamo Bay laguna soo wareeejiyey Dowladda Sacuudiga waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Omar Abdullahi Alxikmi, C/raxzmaan Maxamed Saalax Naasir, Cali Yaxya Mahdi, Maxamed C/llaahi Maxamed Alxamri, Axmed Yaslam Saciid Kuman, C/raxmnaan Alqayati, Mansuur Maxamed Alqata iyo Mashuur C/llaahi Muqbil.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor