Musharixiinta Madaxtinimadda Uganda oo ka mideysan Hawlgalka Ciiddanka ka jooga Somalia iyo La-dagaalanka Alshabaab.

8 Musharax ayaa ku loolami doona Doorashadda Madaxtinimadda ee dalka Uganda ka dhici doonta maalinta Khamiista ee soo socota.

Madaxweyne Yoweri Museveni oo muddo 30 sanno ah Xilkaasi haya ayaa ka mid ah Musharixiinta rajada wanaagsan ka qaba Doorashadaasi.

Musharixiinta waxaa xalay dhex martay Doodii ugu dambeysay ee ay Telefishinka Uganda ku soo bandhigeen Ajendayaashooda Shaqo, waxayna sheegeen in ay muhiimad gaar ah siin doonaan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka Nabad-ilaalinta AMISOM, La-dagaalanka Alshabaab, Siyaasadda Dibedda, Ka-hortaga Musuqa, Shaqo la’aanta, Doorka Uganda ee Arrimaha Caalamka, Caafimaadka iyo Amniga Qaranka.

15 million oo qof ayaa isku diiwaan gelisay Doorashadaasi oo ah tii 3-aad ee ka dhacda dalka Uganda, tan iyo markii Uganda laga hirgeliyey Nidaamka Xisbiyadda badan sannadkii 2005-tii.

Musharixiinta Madaxtinimadda Uganda waxay si aad ah uga doodeen haddii ay Uganda sii wadayso inay Ciiddamo u diraan dalalka ay colaadaha ka jiraan sida Somalia iyo Koonfurta Sudan oo kale iyo haddii ay Uganda ka bixi doonaan Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ee ICC.

Madaxweyne Yoweri Museveni oo 71 jir ah waxa uu Talada dalkaasi ku qabsaday Afgembi dhacay sannadkii 1986-kii, iyadoo uu  Xisbiga NRM Party ku guuleystay Doorashooyinkii Madaxtinimadda ee dalkaasi ka dhacay sannadihii 2006-dii iyo 2011-kii.

Madaxweynaha waxaa doorashaddan kula loolamaya Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Kizza Besige iyo Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi, John Patrick Amama Mbabazi  oo lagu naanayso Amama Mbabazai.

©Radio Dalsan          

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor