Musharixiinta Fiqi, Guuleed iyo Axmed C/salaam oo isku soo haray

Wareeggii Labaad ee Doorashadda Madaxtinimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug ayaa waxa isugu soo haray Musharixiinta Axmed Macallim Fiqi, C/kariim Xuseen Guuleed iyo Axmed C/salaam Xaaji.

Wareeggii Koowaad waxaa ku haray Musharaxiinta Cabdi Xsaan Cawaale “Qeybdiid”, Xasan Maxamed Nuur Qalaad iyo Maxamed Cilmi Afrax.

Xeeldheerayaasha ayaa sheegay inay isku soo hareen Musharixiinta ay Radio Dalsan horey u saaadaaliyeen, wuxuuna Wareegga Labaad oo haatan socda u muuqda mid aad uga xamaasad badan kii hore.

Xildhibaanadii horey ugu codeeyey Musharixiintii ku haray Wareegga Koowaad ayaa la sheegay inay u badan yihiin inay ugu shubaan C/kariim Guuleed ama Axmed Macallim Fiqi.

Wixii natiijo aha ee ka soo baxa Wareegga labaad ee haatan la guda gaalay si toos ah ugala socda Radio Dalsan iyo Webka www.radiodalsan.com