Musharaxiintii Lacagaha uga Maqnaayeen Guddigii Doorashada Dadban oo Dacwad u Gdubiyey Maxkamada Sare

Afartan musharax xildhibaan ayaa la sheegay inay maanta maxkamada sare ee dalka u gudbiyeen dacwad ka dhan ah guddigii doorashada dadban oo uu guddoomiye ka ahaa Abuukaate Cumar Dhagey.

Mudanayaashan oo horey ugu tartamay ka mid noqoshada baarlamaanka Soomaaliya doorashooyin ka dhacay xarumaha maamul goboleedyada,ayaa ku eedeeyey guddigii xalinta khilaafaadka iyo kan doorashooyinka inay ku lugleeyihihiin wax isdaba marin dhacday, islamaarkana sheeganaya lacago ka maqan, taasi oo maanta kal dacwadeed uga gudbiyeen maxkamada sare, si ay u helaan cadaalad.

Qaar ka mid ah musharaxiinta ayaa Radio Dalsan u soo dusiyey xogtaasi, islamarkaana tilmaamay inay maxkamada sare la wadaageen kiiskaasi, si loo soo afjaro dacwadaasi oo soo jiitameysay tan iyo doorashadii.

Doorashooyinkii xubnaha baarlaamka aqalka hoose iyo kan aqalka sare ee ka dhacay Muqdisho, Cadaado, Baydhabo, Kismaayo, Jowhar iyo Garoowe ayaa waxaa ka soo baxay tabashooyin ay qabaan qaar ka mid ah musharaxiintii laga guuleystay oo sheegay in la masuq-maaqay tartankii ay galeen, islamarkaana dhaleeceen u jeediyey guddigii xalinta khilaafaadka iyo kan doorsahyooyinka ee lahaa maamulka iyo agaasinkii doorashooyinkaas.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media