Musharaxiinta Aqalka Sare ee Jubbaland oo Maanta Khudbadahooda jeedinaya

Musharaxiinta Senatorada Aqalka Sare ee ku harsan Jubbaland ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in khudbadahooda u jeediyaan Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland oo kulan ku yeelanaya Magaalada Kismaayo.

Xildhibaanada Jubbaland ayaa dhageysanaya Khudbadaha Musharaxiinta 8-xubnood oo uu soo saaray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, kuwaasi oo ku tartamaya Afar kursi oo ka harsan 8-da kursi ee Aqalka Sare ee Jubbaland.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamaya Leyla Nuur Maax iyo Rareedo Maxamed Sheekh, halka kan labaad ay ku loolami doonaan laba Musharax oo kala ah Ibraahim Owgaab Cismaan iyo Farxiyo Macalin Cabdi.

Sidoo kale kursiga saddex ayaa ku tartamaya Musharaxiinta kala ah Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar, waxaana kursiga ugu dambeeya ku loolamaya Musharaxiinta kala ah Xasan Daahir Yarow iyo Cali Maxamed Cali.

Doorashada Musharaxiintan Aqalka Sare ee laga soo doorto deegaanada Jubbaland ayaa lagu wadaa inay maalinta berrito oo khamiis ah ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor