Musharax Madaxweyne Saciid C/llaahi Dani oo ku booriyey Madaxda Talada haysa in Doorashadda la qabto xilligii loogu talagalay + Sawiro

Dr. Saciid C/llaahi Dani oo ka mid ah Musharixiinta u taagan Xilka Madaxtinimadda ayaa waxa uu shalay ku qabtay magaalladda Muqdisho munaasabad heer  sare ah oo uu ku shaaciyey Ololihiisa Doorashadda Madaxtinimadda ee la qaban doono dabayaaqadda sannadkan 2016ka.

Musharax a oo ah Xildhibaan iyo Ganacsade caan ah waxa uu ugu baaqay Madaxda haatan haysa Talada dalka inay ka dhabeeyaan sidii ay Doorashadda ugu dhici lahay xilligii loogu talagalay.

“Qabsoomida Doorashadda waxaa horey loogu dhawaaqay sannadkii 2012kii, mana aha inay Hoggaamiyayaasha dadka ku jahwareeriyaan Shirar ay ku sheegaan inay kaga hadlayaan Qabsoomida Doorashadda” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Dr. Saciid Dani.

Waxa uu intaasi ku daray inay Hoggaamiyayaasha waqti badan kaga lumiyeen Shirar ay ku sheegaan inay kaga hadlaan Qabsoomida Doorashadda.

Musharax  Madaxweyne Dr. Saciid C/llaahi Dani waxa uu tilmaamay inay dadka Soomaalida yahay Mufakariin Caaqil ah,oo aan la marin-habaabin Karin, isla markaana ay diyaar u yihiin inay dhacdo Doorasho  Xor iyo Xalaal ah.

Musharax Dr. Saciid C/llaahi Dani  waxa uu ku booriyey Madaxda haatam Talada Qaranka ku booriyey in Doorashadda la qabto xilligii loogu tala-galay, oo aan dib loo dhigin.

Musharax Madaxweyne Dr. Saciid C/llaahi Dani waxa kale oo uu Tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey Nidaamka Dowladnimadda,  Is-jiidjiidka Siyaasiinta Muxafidka iyo Mucaaradka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Mucaaradnimadda tahay Nidaam wax lagu saxo, wuxuuna ku baaqay in la yeesho Adkeysi Siyaasadeed, oo aysan Madaxdu ka dhiidhiinin marka la naqdinayo qaladaadkooda.

Dhinaca kale, Musharax Madaxyne Dr. Saciid C/llaahi Dani waxa uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu Ololihiisa ka bilaabo magaalladda Muqdisho, maadaama ay tahay Caasimadda dalka iyo Xarunta ay Dowladda ka hawlgasho.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu gari doono Goballadda dalka, si uu Dadweynaha ugu sharxo Musharxnimadxiisa, uguna bandhigo Qorshihiisa Shaqo ee uu qaban doono haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxtinimadda.

Musharax Madaxweyne Dr. Saciid C/llaahi Dani waxa uu sheegay inay Somalia u tahay Dowlad Dimuqraadi, Dowlad Midnimo, Dowlad Isla Xisaabtan iyo Dowlad ka shaqeysa Danaha Qaranka.

Munaasabadda uu Musharaxu mar Labaad kaga dhawaaqay Doorashadda Madaxtinimadda oo lagu qabtay Hayat Hotel ee magaalladda Muqdisho waxaa ka soo qeyb galay boqolaal qof oo isugu jirtay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Madaxda Xisbiyadda Siyaasadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Musharax Madaxweyne Dr. Saciid C/llaahi Dani oo ka tirsan Mudanayaasha BFS, ahna Ganacsade deggan Dubai waxa uu markii ugu horreysay Musharxnimadiisa kaga dhawaaqay magaalladda Nairobi bishii April14-dii ee sannadkan.

Si kastaba ha ahaatee, Musharaxu waxa uu Taageero, magac iyo maamuus ku dhex leeyahay Gudaha iyo Dibedda, wuxuuna Khibrad u leeyihiin Nidaamka Hoggaminta Dowlad-wanaagga, Horumarinta Danaha Qaranka iyo Xiriirka Caalamiga.

©Radio Dalsan

13592288_1077328002302898_8518550595091385684_n 13603580_1077330768969288_7060450814359570399_o 13606642_1077328435636188_4932197739439364080_n 13606679_1077328065636225_7672811635215118609_n 13612399_1077328175636214_5151073134262169989_n 13615438_1077328405636191_7545979962982568169_n 13619802_1077327975636234_8123030744259398880_n 13620353_1077328292302869_3610548356400753216_n 13627041_1077328092302889_3153532137537025557_n 13645283_1077328238969541_298281118560657205_n

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor