Musharax Madaxweyne oo sheegay in Lacag lagu kala iibsaday Kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug.

Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka shanqariyey inay soo gaareen Warar sheegayo in Lacag lagu kala iibsaday Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug oo shalay lagu qabtay magaalladda Cadaado.

Musharaxa waxa tilmaamay in Ergooyinka soo xulayo Aqalka Barlamaanka la kala xodxodanayo si ay ugu codeeyaan Musharixiinta ku tartami doona Aqalka Hoose ee Barlamaanka.

“Waxaa la sheegay in Kuraasta Aqalka Sare lagu kala iibsaday lacag badan, waxaa kaloo malqay in Ergooyinka dooran lahaa Aqalka Hoose ee Barlamaanka lacag lagu iibsanayo,  iyadoo Codka mid kasta oo ka mid ah Ergadda lagu iibsanayo ilaa 5,000 Dollar” ayuu yiri Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Waxa uu si kulul u naqdiyey Dhaqan-xumida ka muuqato Doorashadda, isagoo ku tilmaamay inay Doorashaddu hareyn doonaan Musuq Baahsan.

Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame waxa uu ugu baaqay Siyaasiyiinta, Dhallinyarada, Odayaasha Dhaqanka, Maamul-gobaleedyadda iyo Beesha Caalamka inay ka hor tagaan Musuqa lagu kala iibsanayo Kuraasta Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.

“Siyaasadda waa Danta Dadka iyo Dalka, waxaana loo baahan yahay Naf-hurnimo, Waqti-hurida iyo Siyaasad caafimaad qabta” ayuu yiri Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame oo mar Xil Wasiir ka soo qabtay Dowladdii KMG ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu Musharixiinta ku booriyey inaysan Siyaasadda ka dhigin Ganacsi iyo Lacag wax looga iibsanayo Suuqa.

Ugu dambeyntii, Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame waxa uu ugu dambeyntii sheegay in loo baahan yahay in lala yimaado Siyaasada Halgamayaasha Ururkii SYL ee horseeday Midnimadda Qarankeenna Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor