Musharax Madaxweyne iyo Ardayda Jaamacadda SIMAD oo hadallo kulul isku weydaarsaday Baraha Bulshadda.

Guddoomiyinihii hore ee Gobalka Banaadir, ahna Musharax Madaxweyne Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”  iyo Qaar ka mid ah Ardayda dhigata Jaamacadda SIMAD ayaa waxaa ka dhex taagan Khilaaf, iyadoo labada dhinac hadalo kulul isku weydaarsaday Baraha ay Bulshadda ku wada xiriirto, gaar ahaan Faebook iyo Twitter-ka.

Muranka u dhexeeya labada dhinac ayaa yimid kadib, markii uu Musharax Madaxweyne Max’uud Axmed Nuur “Tarsan” uu dhawaan ka hadlay kulan ka dhacay Magalada Muqdisho oo uu aad u liiday Aqoonta Ardayda wax ku barata Jaamacad uu horey Madaxweynaha Dowladda Federalka uga ahaa  Maamule.

Musharax Tasan waa uu tilmaamay  inuu Madaxweynaha Dowladda Federalka  Xasan Sheekh uu Ardayda Jaamacadda SIMAD ka dhigayo Odayaal Dhaqameedyo iyo Waxgarad aan qori kari Karin Farta Soomaaliga, waa sida uu hadalka u yiri

Tarsan waxa kale oo uu tilmaamay muddadii uu Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahaa loo keenay Dhallinyaro dhigata Jaamacadda SIMAD si loo shaqaalaysiiyo, balse ay ahaayeen kuwo aan laheyn wax aqoon ah oo xitaa aanay aqoonin qorista Afka Soomaaliga waa sida uu hadalka u yiri.

Musharax Madaxweyne Tarsan waxa kale oo uu hadalkiisa ku dhaleeeeyey Hoggaanka Dowladda inay dadka iyo dalka duleysteen loona baahan yahay isbedel si loo badbaadiyo dadka iyo dalka.

Dhinaca kale, Ardayda dhigata Jaamacadda SIMAD ayaa si kulul u naqdiyey Hadalka Musharax Tarzan waxayna hadalo kulul soo dhigeen Baraha Bulshadda, uguna baaqay Tarzan inuu raalli gelin ka bixiyo Hadaladda qadafka ee uu u geystay Maamulka iyo Ardayda Jaamacadda SIMAD.

Si kastaba ha ahaatee, Musharax Maxamuud Axmed “Tarsan” waxa uu Bartiisa Twitterka xalay soo dhigay Raalli-gelin buuxda uu ka bixiyey hadalladda uu ka sheegay Ardayda dhigata Jaamacadda SIMAD, balse  kala cadda inay Ardayda SIMAD ku qanceen Raalli-gelintaasi, inkastoo ay qoonsadeen Hadalkii Hadalkii Tarzan.SIMADMUSHARAX TARSAN

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media