Musharax Faadumo Dayib:- “Haddii la ii doorto Madaxweyne, waxaan wada-hadal la furi doonaa Alshabaab…”

Marwo Faadumo Qaasim Dayib oo ah Haweeneyda keliya ee shaacisay inay ka mid tahay Musharixiinta ku loolami doona Madaxweynimadda Somalia ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi Khaas ah oo ay siiyey Idaacadda Radio Dalsan, waxayna tilmaamtay haddii ay Madaxweyne noqoto inay Wada-xaajoodyo la furi doonto Saraakiisha Alshabaab ee danaynaya in Wada-xaajood lagu xaliyo khilaafka iyo colaadaha weli loo caal la’ yahay.

Waxay tilmaamtay  inay Alshabaab yihiin Ubadkeenna iyo Walaalaheenna, loona baahan yahay in lala furo Wada-xaajood Siyaasadeed, si looga hadlo Khilaafka iyo Dagaalladda lagu riimqayo.

Marwo Faadumo Qaasim Dayib, waxay kaloo sheegtay haddii loo doorto Madaxweyne  inay mudnaan ballaara siinayso Mustaqbalka Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed ee haatan dhibaataysan, isla markaana ay horumarin doonto Adeegyadda Nolosha, Caafimaadka iyo Waxbarashadda.

“Waxaan caloolyow ka qaaday sida ay u dayac yihiin Dhallaankeenna, mana haystaaan Waxbarasho iyo Daryeel Qaran, waxayna ku nool yihiin nolol adag” ayey tiri Musharax Madaxweyne Faadumo Qaasim Dayib, waxayna tusaale u soo qaadatay ciyaalka yaryar ee aan haysanin Waxbarasho ee daruufta u geysay inay noqdaan kuwo ku nool mustaqabl-xumo.

Dhinaca kale, Musharax Marwo Faadumo Qaasim Dayib, waxay ugu baaqday Xildhibaanadda ka mid noqon doonta Barlamaanka cusub ee la dooran doono inay doortaan Madaxweyne dalka iyo dadka jecel, oo ay ku dheer tahay Waddaniyadda iyo Danaha Qaranka.

“Yaan la dooranin Madaxweyne Danayste ah oo danihiisa Khaaska ka door bida Daniha Qaranka” ayey tiri Musharax Faadumo Dayib oo dhinaca kale sheegtay inay ku rajo weyn tahay Doorashadda Madaxtinimadda ee dabayaaqadda sannadkan ka dhici doonta dalkeenna hooyo.

Mar wax laga weydiiyey Galangalkeeda Bulshadda, waxay xustay inay tahay Shaqsi taageero ka geystay Qurbo-joogta iyo Dal-joogga, isla markaana ay had iyo jeer ka qeyb-gasha  Shirarka looga tashanayo Aayaha Somalia.

Musharax Faadumo Qaasim Dayib waa Aqoonyahan niyad fiican u haysa inuu dalkeenna noqdo Waddan ka soo kabta colaadaha, isla markaana lagu soo dabaalo Nabad, Horumar, Deganaansho iyo Mustaqbal la saan-qaadi kara Dalalka kale ee Caalamka.

FAADUMO DAYIB

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor