Musharax Drs. Dahabo Abdi Mohamed oo u taagan Xilka Madaxtinimadda ee Maamul-gobaleedka Bartamaha Somalia oo saluugtay qaabka uu ku socdo Shirka Cadaado

Aqoonyahanad Drs. Dahabo Abi Mohamed “Dahabo Cuud” ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi Khaas ah oo ay galabta siisay Idaacadda Dalsan iyadoo ku sugan Madasha Shirka Maamul-u-samaynta Bartamaha Somalia oo ay gogoshiisa fidsan tahay Degmadda Cadaado.

Musharax Madaxweyne Drs. Dahabo Cuud waxay sheegtay inuu Shirku ku socdo nidaam qaldan oo  isku dhex yaac badan ka muuqdaan, isla markaana aan laga filan karin Natiijooyin Wanaagsan haddii aan la xeer toosanin Shirka, laguna soo celinin Beelaha ka maqan yihiin.

Waxay kaloo tilmaamtay inay jiraan  dad Faragelin ku haya Nidaamka Shirka, iyadoo Xildhibaano, Odayaal iyo xubno kale laga soo daad-gureynayo Magaalladda Muqdisho.

Drs. Dahabo Cuud waxay  hoosta ka xariiqday inay dadka ku nool Gobalka Galgaduud yihiin dad aad u aragti badan, isla markaana aan la duudsin karin Rabitaankooda.

Dhinaca kale, Musharax Madaxweyne Dahabo Abdi Mohamed “Dahabo Cuud” waxaa wax laga weydiiyey socdaalka uu Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir, Md. Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan” uu maanta ku tegay Madasha Shirka ee Cadaado, waxay sheegtay inuu yahay Siyaasi imaan kara Gobalka.

“Tarzan waa imaan karaa waa Deegaankiisa, Musharaxna waa u iman karaa, laakiin xilligii Xisbiyadda badan lama joogo” ayey tiri Musharax Madaxweyne Dahabo Cuud oo intaaai ku dartay in Tarzan  looga baahan yahay inuu maanku ku hayo  Khilaafka Odayaasha Beeshiisa oo gartooda weli lagu qaadayo magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Musharax Madaxweyne Dahabo Abdi Mohamed ayaa ah Musharaxadda keliya ee Haween ah oo isku soo taagta Xilka Madaxtinimadda ee Maamul-gobaleedka Bartamaha Somalia.

© Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor