Musharax C/raxmaan C/shakuur: “Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxay isku bedeleen Hawlwadeeno ka tirsan Ololaha Doorashadda Musharax Xasan Sheekh”.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Musharixiinta u taagan Doorashadda Madaxtinimadda ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku dhaliilay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashadda.

Waxa uu xusay inay noqdeen Hawlwadeeno u ololaynayo Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay ansixiyeen Doorasho dhac iyo boob ku soo baxeen Xubnahooda.

“Waxaan si cad u cambaaraynaa Faragelinta ay Madaxtooyadda ku hayso Hawlaha Guddigaas, waxaana ugu baaqayaa inayu Madaxtooyadda faraha kala baxaan Hawlaha Guddigaasi” ayuu yiri Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, iyuadoo ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashadda maanta laaleen 11-xubnood oo ka tirsan Liiska Xildhibaanadda ku soo baxay Doorashaddii ka dhacday Maamul-gobaleedyadda dalka.

Halkan ka akhriso Qoraalka Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame:

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor