Cali C/llaahi Cosoble oo ku guuleystay Madaxweynaha Maamulka HirShabelle.

Waxaa goor dhow la soo gebagebeeyey Tartanka Madaxweynaha ee Maamulka HirShabelle oo ka socotay Hoolka Shirarka ee magaalladda Jowhar ee Sh/dhexe.

Saddex Musharax oo lagu kala magacaabo Maxamed Cabdi Waare, Cali C/llaahi Cosoble Siyaad iyo Cali Maxamed Caraale ayaa ku loolamay Xilkaasi.

Musharax Cali Maxamed Caraale ayaa sheegay inuu Tanaasulay, waxaana Tartankaasi ku soo haray Cali C/lalahi Cosoble Siyaad iyo Maxamed Cabdi Waare.

Guddiga Doorashadda ayaa waxay shaaciyeen inuu Musharax Cali C/llaahi Cosoble helay 61 Cod, halka Musharax Maxamed Cabdi Waare helay 36 Cod.

musharax-madaxweyne-hirshabelle2Musharax Cali C/lalahi Cosoble ayaa ku guuleystay Xilka Madaxweynaha Maamulka HirShabelle, waxaana halkaasi ugu hambalyeeyey Musharixii uu ka guuleystay.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka HirShabelle, waxa uu Xildhibaan ka yahay Barlamaanka Federalka, waxaana dhalay Dr. C/llaahi Cosoble Siyaad.oo ahaa Wasiirkii Boostadda iyo Isgaarsiinta ee Dowladdii Kacaanka,

Munaasabadda Cod-bixinta Doorashadaasi waxaa si Toos ah looga daawanayey inta badan Telefishinadda ku hadla Afka Soomaaliga.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa inay goor dhow bilaabanto Doorashadda Musharixiinta ku tartamayso Xilka Madaxweyne-ku-xigeenka HirShabelle, waxaana ku baratami doono Guddoomiyihii hore ee Gobalka Sh/dhexe, Cali C/llaahi Guudlaawe iyo Musharaxa kale ee Cali Xasan Taakow.

Wixii Natiijo ah kala soco radiodalsan.com

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor