Museveni: “Somalia iyo Kenya waxa u dhexeeya Dagaal Qabow oo ku aadan muranka Xuduudaha”.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa sheegay inuu Ururka Midowga Afrika u gudbin doono Muranka Soo-jireen ee dhinaca Xuduudaha ee u dhexeeya dalalka Somalia iyo Kenya.

Madaxweyne Museveni oo booqasho labo maalmood ku tegay dalka Sacuudiga waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka (OIC), Dr. Iyad Amiin Madani kula kulmay Qasriga Sacuud Palace oo ku yaalla magaalladda Riyad

Madaxweynaha Uganda waxa uu sheegay inuu had iyo jeer Somalia iyo Kenya ka dhex jiro dagaal qabow oo ka dhashay muranka xuduudaha, wuxuuna ugu baaqay Ururka Midowga Afrika inay u istaagaan sidii loo xalin lahaa Murankaasi soo-jireenka ah.

“Mar kasta dagaal qabow baa u dhexeeya Somalia iyo Kenya, balse waxaan had iyo jeer dhahnaa Xushmeeya Xuduudkiina meel kasta oo ay ku yaallaan, tan iyo markii aad iyaga ku hesheen halkaasi” ayuu yiri Museveni.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Ajendahaasi hor-geyn doono Ururka Midowga Afrika, si aysan Deganaanshaha Somalia saamayn ugu yeelanin muranka Xuduudaha ee kala dhexeeya Kenya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda, waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis oo ay ka wada hadleen Xiriirka Labadooda Waddan iyo Arrimaha Somalia.

KSA AND UGANDA 2

KSA AND UGANDA 4

dr.iyaad 2

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor