Museveni oo oggolaaday inay Ciiddankiisa ka tirsan AMISOM door ka qaataan ammaanka Doorashooyinka Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Gen. Yoweri Kaguta Museveni waxay shalay kulan muhiim ah ku yeesheen xarunta madaxtooyada dalka Uganda ee magaalada Entebbe.

Kulankan ayaa ajendayaasha ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa iskaashiga dhinaca milateri ee labada dal ka dhexeeya, doorka ciidammada Uganda ee hawlgalka AMISOM, dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo dib u dhiska ciidammada Soomaaliya.

Madaxweyne Museveni oo dib loogu dhaariyey inuu xilka sii hayo, ayaa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ka sameyneyso dhinacyada amniga, siyaasadda, adeegyada bulshada iyo dib u soo nooleynta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Waxaa kale oo labada Madaxweyne ay isla gorfeeyeen doorashooyinka lagu wado inay sannadkan ka dhacaan Soomaaliya, iyadoo uu Madaxweyne Museveni aqbalay codsi uu soo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM ay doorkooda ka qaataan sugidda amniga waqtiga doorashada, oo ay gacan siiyaan ciidammada Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartey in marka laga soo tago iskaashiga dhinaca amniga ah, loo baahan yahay in la ballaariyo dhinacyada ay kale ee ay iska kaashan karaan, siiba dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, tiknoloojiyadda, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo ciyaaraha.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxay shalay galab dib ugu soo laabteen magaalladda Muqdisho, kadib, markii ay ka soo qeyb galeen Caleema-saarka Madaxweynaha Uganda.

————-DHAMMAAD———
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

2 P 3P

IB0A2627

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor