Musaabaqada Akhriska Qur’aanka oo ay Xawaaladda Taaj iyo Radio Dalsan soo qabanqaabiyeen oo la soo gebagebeeyey

Barqanimadii maanta waxaa  Hotelka Central ee magaalladda Muqdisho lagu qabtay Xaflad heer sare ah  oo lagu soo gunaanadayo Musaabaqadda Akhriska Qur’aanka Karimka oo  ay iska kaashadeen Shirkadda Xawaaladda Taaj iyo Idaacadda Dalsan.

Mas’uuliyiin, Mashaa’iq, Waalidiin, Macallimiin iyo marti sharaf badan ayaana ka soo qeyb galay Xafladaasi oo si weyn loo soo agaasimay.

Guddoomiyaha Musaabaqaddaasi, ahna Madaxa Arrimaha Diinta ee  Idaacadda Dalsan, Sheekh Axmed Nuur Jimcaale ayaa ka hadlay Xafladaasi, wuxuuna sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Musaabaqadda si guul ah ku dhamaato.

Waxa uu warbixin waafi ah ka bixiyey ujeedada loo qabtay Musaabaqada Tartanka Qur’aanka Kariimka iyo dadaalka ay muujiyeen guud ahaan Ardaydii ka qeyb gashay.

Waxa uu tilmaamay inay Musaabaqadda ka qeyb galeen 30-arday oo ka kala socotay Malcamadaha Qur’aanka Kariimka ee ku yaalla Degmooyinka Gobalka Banaadir, kuwaasi oo ku tartamay 30-ka Jus, 20-ka Jus iyo 10-ka Jus ee Qur’aanka Kariimka.

Guddoomiyaha Musaabaqaddaasi, ahna Madaxa Arrimaha Dibedda ee Idaacadda Dalsan, Sheekh Axmed Nuur Jimcaale waxa kaloo uu ka hadlay qaabka ay u qiimeeyeen  Ardaydii ku guuleysatay Tartankaasi, wuxuuna qiray inay Ardayda oo dhan muujiyeen dadaal ballaaran oo laga dareemayo inay yihiin Xaafidul-qur’aan, Maashaa Allaah.

Waxa kaloo uu u mahadceliyey Waalidinta iyo Macallimiinta sida wanaagsan ugu tarbiyeysay Ardaydaasi inay noqdaan Xaafidul-qur’aan.

Sidoo kale, Sheekh Abuukar Xasan Maalin oo ka mid ah Mashaa’iqda waa weyn ee dalkeenna ayaa isagana ka hadlay Munaasabadda, wuxuuna aad ugu dheeraaday Qiimaha ay Xifdinka iyo Ku-dhaqanka Qur’aanka Kariimka ay adduun iyo akhiro leeyihiin.

Sheekh Abuukar Maalin waxa uu Waalidiinta iyo Ka-qeyb galayaasha xafladda ku baraarujiyey inay ku dadaalaan Taqwadda Rabbi iyo Ku-dhaqanka Shareecadda Islaamka, isla markaana in ay ku dadaalaan sidii Ubadka loogu barbaarin lahaa  Diinta iyo Dhaqanka Islaamka.

Maamul-ku-xigeenka Shirkadda Xawaaladda Taaj, Maxamed Axmed Yuusuf “Maxamed Bay” oo isagana ka hadlay Munaasbadda lagu abaalmarinayey Ardayda ku guuleystay Musaabaqadda Akhriska Qur’aanka Kariimka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ka qeyb qaataan Fulinta Tartankaasi.

Waxa uu tilmaamay inay Shirkadda Xawaladda Taaj had iyo jeer dhiiri-gelinayso Tartamadda Diiniga iyo kuwa Maadiga ee anfaca guud u leh Bulshadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Dalsan, Xasan Cali Geesey oo isagana ka hadlay Munaasabadaasi ayaa waxa uu sheegay inay Idacaadda ahmiyad gaar ah siinayso Barnaamijyadda Diiniga iyo kuwa Bulshadda, si loo kobciyo bisaylka iyo wacyi-gelinta Bulshadda.

Agaasimuhu waxa uu ka hadlay Ujeedada loo qabtay Musaabaqadda Akhriska Qur’aanka, wuxuuna sheegay inay tahay sannadkii 3-aad oo ay Idaacaddu qabanayso Musaabaqadda Qur’aanka.

“Waa arrin na farxad gelinayso inay carruurta yaryar ku tartamaan Xifdinta Qur’aanka, waxaana loo baahan yahay inaan laga caajisin sidii Ubadka Soomaaliyeed loogu dhiiri gelin lahaa, looguna barbaarin lahaa Diinta Islaamka” ayuu yiri Agaasimaga Guud ee Idaacadda Dalsan.

Gebagebadda Munaasabadaasi waxaa Abaalmarino Lacageed iyo Haddiyado lagu guddoonsiiyey saddexda Arday ee galay Kaalimaha ugu sarreeya, waxayna magacyadooda kala yihiin:-

Kaalinta Koowaad waxaa galay Maxamed-saciid C/fataax Maxamed oo 10-jir ah kana socday Dugsiga Qur;aanka ee Al-hudaa ee ku yaalla Degmadda Hodan, waxaana la guddoonsiiyey 1,000 Dollar, iyo Kitaabka Quraanul-kariim.

Kaalinta Labaad waxaa galay Ardayda lagu magacaabo Maxamed Cabdi Maxamed oo 12-jir ah, kan socday Dugisga Qur’aanka ee Al-irshaad ee Xaafadda Xararyaale ee Degmadda Wardhiigleey, waxaana la guddoonsiiyey 700 Dollar iyo Kitaabka Quraanul-kariim.

Kaalinta Saddexaad waxaa gashay Ardayada lagu magacaabo Maariyo Axmed Cumar oo 9-jir ah, kana socotay Dugsiga Qur’aanka ee Al-furqaan ee Xaafadda Gubta ee Degmadda Dayniile, waxaana la guddoonsiiyey 400 Dollar iyo Kitaabka  Quraanul-kariim

Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

© Radio Dalsan


2727151414131211312345610221726301

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor