Murashixiin Madaxweyne oo is-diiwaan gelisay iyo Murashax Madaxweyne dhoofay.

Iyadoo Diiwaan-gelinta Murashixiinta Madaxweynaha weli socoto ayaa waxaa maanta is-diiwaan geliyey ilaa 4 Murashax, kuwaasi oo buuxiyey Shiruudihii Is-diiwaan-gelinta.

Murashixiinta Maxamed Axmed Nuur “Tarzan”, Ambassador Maxamed Cali Ameriko, Bashiir Raage iyo C/naasir Maxamuud Cabdulle.

Guddiga Doorashadda Madaxweynaha oo u qaabilsan Diiwaan-gelinta Murashixiinta ayaa hubiyey inay  Murashixiinta mid kasta bixiyey Lacagaha is-diiwaan gelinta oo dhan 30,000 oo Dollar, ka hor inta aan la wada siinin Shahaadada Caddaynta Murashaxnimo.

Waxaa sidoo kale is-diiwaan geliyey Murashixiinta Madaxweyne ee kala ah: Cumar C/rashiid, Maxamuud Maxamed Culusow iyo C/qaadir Cosoble.

Dhinaca kale, Murashax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Murashixii ugu horreeyey Is-diiwaan gelinta ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde.

Sida ay sheegeen xubnaha Ololihiisa Doorashadda, waxa uu Murashax Sheekh Shariif u safray magaalladda Nairobi, ka hor inta uusan u soo baqoolin dal kale oo aan la carabaabin.

Murashax Sheekh Shariif oo ahaan jirey Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG iyo Guddoomiyihii Golaha Maxkamadaha Islaamka waxa uu ka mid yahay Murashixiinta ugu cadcad Loolanka Madaxtinimadda ee la qaban doono bisha soo socota ee February 8-da.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media