Muqtaar Rooboow iyo Axmed Madoobe oo kulmay

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa kulan ku wada qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wadaadka Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Shabaab balse sheegay in uu ka baxay kaas oo shalay Gelinkii dambe halkaasi gaaray.

Kulankaan ay wada qaateen Axmed Madoobe iyo Muqatar rooboow oo ahaa mid aan horay loosii shaacin ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu horay Maamulka Jubbaland u qorsheeyay.

Muqtaar Rooboow iyo Axmed Madoobe oo ahaa Saaxiibo hore ayaa isla gorfeeyay qaabka loo wajihi karo dagaalka Al-Shabaab iyo fursadaha loo heysto waqtigaan.

Dhanka kale Maanta ayuu Muqtaar rooboow booqan doonaa Xeryaha Ciidamada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo,isaga oo intaasi kadib dib ugu soo laaban doona Magaalada Muqdisho.

Muqtaar Roobow ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay isaga oo marti u ahaa Madaxweyne Shariif Xasan waxa uuna kormeeray Xerooyin ciidan.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media