“Muqdisho dadka 90% waxaa lagu dilaa Pistoolad,9% waxa lagu dilaa qarax. 1% ayaa AK47 iyo hubka kale lagu dila”Pro Yaye oo Maqaal ka qoray Halgalka Xasilinta Caasimada .

 

Pro Yaxhye Shikh Caamir oo bare ka ah jaamacadaha dalka ayaa maqaal dheer ka qoray hawlgalka xsilinta caasimada isago soo qaadanaya tusaalooyin hore iyo maraxalidihi halwgaladi hub ka dhisgta ay caasimada so martay.

Hub Ka Dhigid , Hub iska Dhigid & Run Xaraar.

ANIGU.

Ma ihi muxaafid jadbeeysan, mana ihi mucaarad ma cangag ah. Waxaan ahay muwaadin xaq u leh in uu aragtiisa ka dhax dhiibto labadaa cirif jir. Hub ma heeysto oo la iga qaadi mayo, waana rabaa in hubka la ururiyo,laakin,???? Hubku waa hanti,qofba si ayuu u heeystaa,mid xaliimadiisa ku tahriibiya, mid xirfadiisa wax barasho ku illaliya mid hantidiisa ku difaacda .Fiiri sawirada:1-8aad.

HUB & GACAN SHACAB.

Hubku waxaa uu ku fiican yahay in uu ku jiro hal gacan Dowladeed oo badana lagu wada kalsoon yahay,haddii kale waxa uu ku wareegaa gacanta shacabka . siduu ku soo galay gacanta shacabka markii hore? .haddii aan is xasuusino dowladii kacaanka ee aheed mid kali talis ah, ayaa waxa ay xakameeyn weeyday ciidamadeedii ,mushaar ku filana u weeyday,cadaalad darana ka dhax abuurtay ciidamadii. Taasi waxa ay keentay in ciidamadii qaar badan oo ka mid ah ay isaga baxsadaan xeryihii ciidamada iyaga oo hubkoodii wataa,hub bandanna u gacan galiyay shacabkii.shacabkii oo dhumiyay kalsoonidii uu dowlada u qabay ayaa urursaday hub badan. Dowladii ayaa ku dhawaaqday in dadka hubka laga dhigo,dadkii waa diideen,xoog ayaa lagu dayay in hubka la isaga dhigu waxa ay ku dhamaatay in dowladii lafteedii hubka laga dhigo.taa waxaa og intii 27 sanno ka hor qaan gaar aheed.

ISKU DAYGII HORE

in hubka laga dhigu shacabka wixii ka dambeeyay 1990 dowlad aan isku dayin ma jirin, kulina kuma guuleeysan,xattaa UNISOM iyo qowadihii kale ee dalka yimid waxa ay isku dayeen in ay hubka ka dhigaan shacabka kuma guuleeysan,waxa ay shacabkii noqdeen kuwa la dagaalama iyo kuwa hubkooda qarsada waad xasuusataan qaar ayaa qabuura ku aasay hubkii oo ku dul qoray Mraxuum. UNISOM intii yareed oo ay ururisay iyo kuwa ay iyadu laheed ayeey qeeybisay markii ay bexeeysay,taasina waxa ay keentay in aan shacabku aaminin hub ka dhigis dambe xataa haddii ciidama caalamiya wadaan.

HUBKEE WAX LAGU DILAA.

Si kasta oo la isagu dayo in hub laga ururiyo xamar ,lagama ururi karo wax ka badan 2%.,taasina wax weeyn ka badali meeyso nabadgalyada ,sabata oo ah hubka la ururinayo ma ahan kan xamar dadka lagu dilo. Xamar dadka 90% waxaa lagu dilaa Pistoolad,9% waxa lagu dilaa qarax. 1% ayaa AK47 iyo hubka kale ayaa lagu dilaa ,kaana waxa wax ku dila waa ciidamada.

Inta badan bistooladahan waxa bixisay NISA mar sii horeeysay,mar waxa ay biyeen 400, mar kale 200 qaarna hayada kale oo dowli ahaa ayaa bixiyay ,siyaasiyiintii la siiyayna markeey xilka waayeen sooma celin, qaali ayeeyna noqdeen bistooladihii markii 14000 oday oo ah ergadii xildhibaanada soo xulay ay naftoodu khatar gashay ,ayeey bilaabeen in badankoodu ay bistoolado isku hubeeyaan.
XAGEE LAGA QAADAA

Afarta cir toogte oo ah suuqyada ugu waaweeyn xamar ee hubka lagu iibiyo weli laguma darin goobaha hubka laga dhigayo fiiri sawirka 9aad..sidoo kale xaafada qaar, gaar ahaan kuwa ku yaal cirifyada magaalada la iskuma dayin in hub laga qaado khatartooda oo badan aawgeed. Waxaa jira dhaqan soo jireen ah gobalda qaar in caruurtu marka ay dhashaan xabada loo rido iyadoo weliba dhagta loo saarayo,halka gobalada qaarna ubadka dhasho dhagaha looga aadaamo. Si kastaba caruurta yaraantoodii ayaa la baraa in hubku muhim yahay.fiiri sawirada 10-14 aad.

Dooda ah maa mar qura hubka la wada qaado ,waa suaal furan laakin lama fulin karo. Dad iyo dugaagba dalkan waa la wada hubeeysan yahay fiiri sawirada 15-17 aad. Hargeesa bisadahhaa garuun wata fiiri sawirka 18aad , gaalkacyo hablahaa toorey iyo teknika wata. Fiiri sawirada 19-24. AK 47 ayeey doodu joogtaa qabiilaa Taangiya wata ,qaaraa leh dayaaradaha qumaatiga u kaca waa dhab, qofku kuwaa asaga oo u jeeda hubkaaga fudud keen ma yeelaa ?. illey dadku waa isku maseeyraa waana is fiirsadaa. waxaan maanta maqlayay wasiir leh, waxaan ogaanay in hub laga bixinayo xamar waan ognahay halka lageeynayo waan ka daba tageeynaa, waa yaabe hadiiba nalaga bixiyay muxuu ka rabaa, kan xamar kaliya miyuu baacsanayaa kuwa aan la qarineeyn ayaaba yaal gobalada loo qaaday ,kan maxaa daba dhigay,, wasiirku ma ogyahay in dowladu ayna hub ka dhigi Karin meel 5 KM ka baxsan magaalada. Waa qof Riyoonaya oo waaqica aan la socon ama kuwa uu wax u sheegayo ayaan aheeyn inteena Dalka joogto.

ERAY BIXINTA IYO KAN BIXIYAY.

Klamada Hub ka dhigis ayaa u muuqata mid aan ku habooneeyn in loogu magac daro howlgalkan,waxaa haboon in loogu magac daro hub iska dhigid oo ay ka muuqato khiyaar heshiis lagu yahay, xataa hadaan lagu aheeyn.sababta oo ah Laba aan kala itaal rooneeyn hub iskama dhigi karaan hadaan raali la isaga aheeyn .Haddii hubku suuqa ku yaraado baahiduna jirto dalabkaa badanayo ,waxaana dheceeyso in dibadda laga keeno iyo in la kala disho.

Mana jirto dowlad damaanad qaadi karto nabadgalyadaada ,kan leh dadka hubka halaga dhigu Guriga uu dagen yahay dhagxo iyo juuniya ciid ah ayaa ku wareegsan ,asgari aan Somali aheeyn ayaa ilaaliya iyo tira kale oo ay qaraaba yihiin, waxa uu ku socdaa baabuur qafilan oo aan xabaddu Karin, Waxa uu ka baqay ayaa laga wada baqayaa,” shaagle laga baqay”.
.
KAYDINTA HUBKA.

Tan kale hubka la soo qabto yaa loo dhiibayaa? Hub haysmadiis ma fududa, dowladaha waaweeyn ayeey mar mar ka hoos baxdaa. Tusaale: dhacda dhab ah. Waxaa magaalada Mogadishu lagu qabtay qori nuuc goonya ah,oo ciidama gaar ah oo mareeykan ahi ku howl galaan,ciidankaana weli looma soo dirin Somalia, waxa loo qaatay in uu ka soo galay ciraaq ama siriya,waxaa la yiri: raad raac halagu sameeyo sidii uu qoragani Somalia ku soo gaaray, waxaa la qaaday qoragii waxaana la tix raacay Numbarkii qoriga ,si baaritaanka looga soo bilaababo bakhaarkii uu ku keeydsanaa,.. waxa yaab noqotay markii la fiiriyay liiska hubka ee bakhaarka ku jira iyo kuwa laga bixiyay, qoragani weli bakhaarka in uu ku jiro ayaa u diiwaan gashan wasaarada gaashaan dhiga , waa dhacda sugan.

TALO.

waxa ay u egtahay mashruuc maaweela ah,oo liiska wax qabadka lagu darayo,oo soconaya muddo gaaban, waxana laga baqaa in qorshu ceermaado sida kuwii hore ,illeyn ma aheeyn qorsha khubaro dajisay oo muddo laga fekerayay,waxa ay u badan tahay in qof si fudud isga yiri: Hey- Boys in aan hubka qadno ma fiicnoo, si fuduna lagu jawaabay hala qaado Noooh,maxaa ka imaanaa, iyo side howshan hadii aan bilaawno aan u joogteeyneeynaa la isma weydiin.

Waxaa habooneed in saraakiil arrintaa ku takhasustay lagala tashado,la dajiyo sharciga hub iska dhigida,la ansixio sharcigaa, ogolaasho caam ah gobalada iyo dadka hubka heysta laga helo,muddo xadidan loo qabto, mudadaa hubka laga iibiyo kuwa heeysta kadibna hab kale looga qaado,ogoow hubka la aantii dad aan hurdin ayaa jira,si aad uga qaadana waa in aad disho ama uu ku dilo fiiri sawirka.25 aad.

kii soo alifay qoriga aan u naqaan AK. “Avtomat Kalashnikova” (“Kalashnikov’s Automatic Gun”. Lieutenant-General Mikhail Timofeyevich Kalashniko. ayaa ka shanlaayay oo yiri: markaan kan soo alifay waxaa ka habooneed aniga oo soo alifa qalab beeraha loo isticmaalo.fiiri sawirka 26aad..

FG.waan ogahay in beryahan baraha bulshada ay ku badanyihiin 2 cirif oo ah dhalin yaro aan wax hubsan.waan ogahay in aqrista yaasha qaar ay u fasiran karaan qormadan si ka duwan sida aan ula jeeday. Si kastaba ma rabo in aan isku daaliyo in aan koox gaar ah qanciyo. Arragtideeyda waad dhaliili kartaa, beeni karta, wax ku darri kartaa, adoo fekeray iyo adoon fekerinba waad ka jawaabi kartaa.

Qore: Yahya Amir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor