Munaasabada Sanad guurada Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo ka socota Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Sanad guurada Aas aaska  Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka socota Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Munaasabadan 74 sano guurada ka soo wareegtay Aas aaska Ciidamada Booliiska Qaranka ayaa ka dhacaysa Xarunta Generaal kaahiye, waxaa goordhow halkaasi gaaray Wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu goordhow gaaro halka ay ka socoto Munaasabada.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah Awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media