Munaasabado xil wareejin ah oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen gudoomiyayaasha Cusub ee degmooyinka Xamarweyne iyo Shangaani ee Gobolkaan Banaadir.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir,ayaa ka qeybgalay munaasabada xilwareejinta,waxana Siciiid Cabduqadir Siciid uu Maanta xilka gudoomiyaha degmada Xamarweyne ku wareejiyay Cumar Shariif Jeeg.

Gudoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne  Siciid Cabduqaadir Siciid,oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in intii uu xilkaas hayay qabtay wax badan oo lagu xasuusan doono islamarkaana gudoomiyaha cusub uu la shaqeyn doono.

Gudoomiyaha Cusub ee degmada Xamarweyne ayaa isna dhankiisa sheegay in uu ku dadaali doono in uu wax badan oo haatan ka maqan degmadaas uu ku soo kordhiyo.

Dhanka kale waxaa Maanta iyana xilalkoodii ku kala wareegay gudoomiyaha cusub ee degmada Shangaani iyo gudomiyihii hore ee degmadaas oo xilka laga qaaday.

Gudoomiyaha Cusub ee degmada Xamarweyne Basmo cumar Axmed,ayaa xilkii kala wareegtay gudoomiyihii hore ee degmadaas Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in sidaan oo kale ay xilalka ku kala wareegaan gudoomiyaasha cusub ee degmooyinka Gobolkaan Banaadir iyo kuwii hore ee dahwan xilka laga qaaday.