Munaasabado Lagu Xusayo Maalinta Xuriyadda G/Koonfureed oo Laga Dhigay Dalka iyo Dibedda

Munaasabado kala duwan oo dhamaantood lagu xusayo Maalinta 1 Luulyo oo ah markii Gobolada Koonfureed Ee Dalka ay ka xuroobeen Gumeystihii Talyaaniga.

Sido kale waxa isla maalintasi midoobay Goboladda Koonfureed iyo kuwa Waqooyi oo iyagana Xuriyada ka qaatay 26 june Gumeystihii Ingiriiska Sanadkii 1960kii.

Magaaladda muqdisho Madaxda Dalka ayaa Xalay uga qeybgashay Xaflad si weyn loogu dabaal degay maalinta Xuriyada Soomaaliya gaar ahaan goboladda Koonfureed Ee Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaarke iyo xubno kale ayaa goob joog ahaa Munaasabaddasi.

Sido kale Soomaalida ku nool dalalka qurbaha ayaa iyagana dhigay Munaasabado la mid ah kuwa ka dhacaya Dalka oo lagu xusayo Toddobaadka Xuriyada Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor