Munaasabadda Maalinta Calanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xubno katirsan goleyaasha dowladda, guddoomiyaha gobalka banaadir, fanaaniin iyo boqolaal dadweyne ah ayaa caawa ka qayb galay munasbad lagu soo bandhigayey Golaha Dhalinyaradda qaranka isla markaana lagu  xusaya maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabtay garoonka kubadda golayga Aadan Xaaji Yabaroow Wiish ee degmada cabdalcasiis ee gobalka banaadir.

Munaasibadda oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Wasaradda dhalinyaradda iyo xayaaraha xukumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobalka banaadir ayaa lagu soo bandhigay halgankii iyo taariikhdii calanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay munaasibadda ayaa soo bandhigtey magacyada 9 xubnood oo noqon doona Golaha KMG ah oo dhalinyaradda Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay  Wiil naafo ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kahadlay Munaasibadda ayaa bogaadiyay kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo u duceeyay dhallinyaradii halgalnka u soo martay xorriyadda Soomaaliya

Guuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan oo qudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa hambalyo u diray umadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah dardaaran iyo bogaadin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Caawa ay tahay habeen aad ugu qiimo badan Shucuubta Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan.

Gabagabadii Xafladda ayaa Ra’sul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guuddomiyaha Golaha Shacabka waxa ay wadajir shahaado Sharaf u guddoonsiiyay Qaar kamid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee muujiyay dadaalka iyo howl karnimida.

Caawa oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 63-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka Soomaaliyeed, Calankeeda kaas oo leh Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba Qowmiyahada Soomaalidu ku faanto.

Xiddigta cad ee Shanta Gees leh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media