Munaasabadda 26 June oo Muqdisho iyo gobolada dalka ka socota

Munaasabada 26-ka June oo ah Munaasabad Qiimo weyn ugu fadhida Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ka mid tahay Munaasabadaha Taariikhda dalkeena Soomaaliya Qaaliga ku ah.

Waxayna ka mid tahay maalmaaha ku xusan Xoriyad Doonkii ee Dalka ka jiray ,Sannadkii 1960-kii Iyadoo uu xooggeystay Dhaqdhaaqyada lagu doonayay Xoriyad doonka ee Guud ahaan ka soconayay geyiga SoOmaaliya, xuska iyo qabaan qabada loogu dabaal dagayo maalmaaha Xoriyadda ayaa waxaa sanad waliba marka ay gaarto 26june iyo 27 june ilaa Koowda Luuliyo waxaa looga dabaal dagaa guud ahaan Dalka .

26-june 1960-kii Maanta oo kale ayaa markii ugu horeysay waxaa suurta galay in dhulka soomaaliyeed oo xor ah laga taago Calanka Jamauuriyada Soomaaliya ka dib markii gumeytihii ingiriiska uu oggolaaday in uu xoriyada siiyo Gobolada Waqooyi ee Dalka.

waxayna taasi dhacday Saqdii dhexe ee Habeenimadii 26-kii June 1960 iyadoo Fagaaraha Bartamaha Magaalada Hargeysa Xilliga 12-ka Habeenimo laga taagay Calanka Jamuuriyada Soomaaliya waxaana Halkaas lagu saaray Calankii Soomaaliyeed iyo Dabaal dag weyn oo loo sameeyay Maalintaas .

Munaasabadda lagu xusayo 26june ee sanaddkii 1960-kii  dhaqdhaqaaqi xoriyada iyo hirgalinta siddii calanka Soomaaliya looga tagi lahaa gayiga Soomaaliyeed ayaa cawaa waxaa lagu qaban doonaa magaaladda muqdisho .

Goobaha ay munaasabadaha ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho iyo Xarumaha Maamul Goboleedyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor