Munaasabada xuska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Muqdisho ka dhaceysa

Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan inta badan Gobolada dalka Soomaaliya in lagu qabto Munaasabad lagu maamuusayo 74-Guuradii ka soo wareegtay markii la’aas aasay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabada xuska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgeli doono madax uu ka mid yahay madaxweyne Farmaajo,Saraakiil Ciidan, Wasiiro, xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Munaasabada ayaa Ciidmada booliiska Soomaaliyeed waxa ay ku soo bandhigi doonaan Gaada ka ciyaar, iyada oo Goobta ay inta badan soo xaadiri doonaan Ciidamada ugu badan ee Booliiska Soomaaliya.

Waxaa munaasabada khudbad ka jeedin doono madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya, iyaga oo diirada saari doono baahiyaha ay qabaan ciidanka iyo sidoo kale dib-udhis lagu sameeyo.

Ammaanka Guud ee Magaalada muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay,waxaana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo amniga xaqiijinaya,halka wadooyinka qaar ee Muqdisho ay xireen.

La-taliyaha arrimaha ciidanka Xoogga dalka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa hambalyo ku aadan Xuska Sanad guuradda Xilligii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  u diray Taliskaasi.

“Waxaan u hambalyeynayaa Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xiggeenka , Alifleyda, Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo xaasaskooda Xuska Sanadguurada 74aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed 20 December 1943 awgeed oo ku beegan Maanta, Ciidanka Booliska waa laf dhabarka Bulshadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Sarreeye guud  bashiir Maxamed

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media