Munaasabad Lagu Soo Xerayay Ololaha Soo Nooleenta Hidaha Iyo Dhaqanka Oo Maanta Lagu Qabtay Muqdisho

Munaasabada o aheyd mid si hees sare ah loo soo qaban qaabiyay islamarkaana lagu soo xerayay Ololaha Soo Nooleenta Hidaha, Dhaqanka Iyo Farshaxanka ayaa ka Dhacday Hotelka City Palce ee Magaaladda Muqdisho.

Xaflada Waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradaasi, Masuuliyiin ka socda Maamulka Gobolka Banaadir, Abwaano, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Goobta xafladda ayaa waxaa lagu soo bandhigay agabyada hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed, Buugaag ka hadlaysa Hidaha iyo Sawiro Farshaxano ah.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay Munaasabadda ayaa waxaa uu sheegay in wasaaradiisa ay taageerayso soo nooleynayta Hidaha iyo dhaqanka.

“Waxaa Taageerayaa ka wasaarad ahaana  Aan Waxaan Bogaadineenaa in dhaqanka lasoo nooleeyo, Afartii bilood ee ugu dambeesay barnaamijkan waxaa ka wadnay Muqdisho iyo goboladda ku hareereesan, hadana waxaa gaarsiin doonaa goboladda dalka balse hala sii xoojiyo Midka muqdisho iyo agagaarkiisa” Sidaasi Waxaa yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa sheegay in dhaqanka dalka uu muhiim yahay in la nooleeyo waxaana uu amaanay Hoboladda Waaberi oo uu ku tilmaamay  hogaanka Umaddaan.

Olalaha Lagu soo nooleynayo hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ee maanta lasoo gabagabeeyay ayaa waxaa uu soo socday mudo Afar bilood ah waxaana Bandhigyo lagu muujinayo ololahaasi lagu qabtay Magaalooyinka Muqdisho,Afgooye Iyo Jowhar oo ka kala tirsan goboladda Banaadir, Shabeelaha Hoose Iyo Shabeelaha Dhexe.

IMG_8608 IMG_8613 IMG_8631 IMG_8632 IMG_8636 IMG_8645 IMG_8662 IMG_8671 IMG_8679 IMG_8716

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor